U bood dhigaalka

Dablay Dil Ka Geystay Deegaanka Godorka ee Gobolka Togdheer oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

Sheeko:Dalka

Ciidamda gobolka Togdheer oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka beesha ay ka soo jeedaan dablay dhawaan dil u geysatay nin la oran jiray Axmed Hure oo lagu dilay demada Godorka ayaa maalinimadii shalay gacanta lagu soo dhigay.

Maamulka magaalada Burco oo baryahanba ku hawlanaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dableydan dilka geysatay ayaa waxaa usoorogashay ugu dambeyn iney gacanta ku soo dhigaan dablaydan oo laga soo qabtay, Buuraha Waqooyi ee degmada Gaba Gabo oo ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaana sida uu sheegay maayirka Burco Maxamed Muraad oo la hadlay warbaahinta.

Dilkan ninka xoolo dhaqatada ah ayaa loo aaneynayaa inuu salka ku hayo dagaal beeleed ka soo cusboonaaday beelo wada dega duleedka Burco oo soo noqnoqday.

Deegaan dhinaca duleedka bari kaga toosan magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa 17 bishan dablay hubeysani ku dileen Nin lagu magacaabi jiray Axmed Hure deegaanka Godorka iyagoo u baxsaday dilka ka dib buuraaleyda silsiladda ah ee Waqooyiga degmada Gaba Gabo.

Goobjoog News