U bood dhigaalka

Dabley afar qof ku dishay Mombasa

Sheeko:War
mombasa kilings
Ciidamo ka tirsan booliska Mombasa oo ag maraya goob qiiqeysa oo ku taalla gudaha Mombasa

Wararka naga soo gaaraya xaafada Likoni ee magaalada Mombasa ayaa sheegaya in rag hubeesan oo watay mooto ay xalay soo weerareen xaafadaas islamarkaana ay dileen ku dhawaad 4-ruux in kabadanna ay dhaawaceen.

Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Mombasa Robert Kitur ayaa xaqiijiyay dhimashada afarta ruux iyo ay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

Raggi falka geystay ayaa ku baxsaday Mootooyinkii ay wateen, ciidamada amaanka Kenya ayaan ku guuleysan iney soo qabtaan raggii falka geystay.

Weerarkan ayaa ku soo aadayaa xilli habeen ka hor Bandow xilliyada habeenkii ah lagu soo rogay Magaalada Lamu, si wax looga qabto weerarada isa soo taraya ee ka dhacaaya halkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan uu aargoosi u yahay weeraro lala eegtay qowmiyadda Kikuuyada ee deegaanka Mpeketoni sida ay qortay wakaalada wararka Reuters.

In kabadan 60 qof ayaa ku geeriyootay shaqaaqooyin bishii hore ee June ka dhacay dalkaas, kuwaasoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku eedeeyay shabakado siyaasiyiin Kenyaan ah.

Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegatay weeraro lagu qaaday dalka Kenya, balse ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab  ee ku saabsan dilka xalay ka dhacay gudaha Mombasa.

Deegaano ka tirsan dalka Kenya ayaa waxaa soo food saaray weeraro is xigxiga bilihii u dambeeyay.