U bood dhigaalka

Dabley hubeysan oo Muqdisho ku dishay Xildhibaan Saado Cali Warsame

Sheeko:War
Saado Cali
Saado Cali Warsame

Dabley hubeysan ayaa goor dhaw waxey magaalada Muqdisho ku dileen xildhibaanad saada cali warsame oo ka mid aheyd mudanayaasha baarlamaanka federaalka ee soomaaliya, rag ku hubeysan qoryaha AK47 oo saarnaa gaari nooca raaxada ah ayaa marxuumadda ku toogtay agagaarka Hotel Ambassador ee u dhow isgoyska nambar 4.

Wararku waxey sheegayaan in kooxda dilka geysatay ay gaari ku hor gooyeen baabuur ay saarneyd xidhibaanadda , kadibna rasaas ku fureen agagaarka Taree Piyaano ee wadada Makka Al-mukaramah. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sidoo kale goobta uu ku dhintay darawalkii gaariga u waday marxuumadda.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa wal-wal xoog leh soo food saaray, waxaana saaka isla degmada Hodan gaar ahaan suuqa lagu iibiyo Qaadka waxaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo lagu warramay in uu ilaalo u ahaa xubin ka mid ah maamulka degmada Hodan.

Marxuumadda ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku soo biirtay 2012-kii.