U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Deegaanka Miircowleed Ee Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan uu ka soconayo deegaanka Miircowleed, iyadoo khasaare lasoo sheegayo.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalka xooggiisa uu ka soconayo tuulo qiyaastii 3-km u jirta deegaanka Mircowleed, waxaana la’isku adeegsanayaan hub aad u culus.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay 5 ruux sida ay soo sheegayaan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi.

Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanka Miircowleed ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalka ay ku kala biireen ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Liyuu Boolis, islamarkaana hub culus ay isku adeegsanayaan.

Deegaanka Miircowleed ayaa u dhaxeeya deegaannada Dhabad iyo Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

Waxaan inoo suurta gelin xiriir aynu la sameynay maamulka Galmudug si aynu wax uga weydiinno waxa ay dagaalladaan kala socdaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News