U bood dhigaalka

Dacwada Badda: ICJ Oo Ogolaatay In Soomaaliya iyo Kenya Yeeshaan Wareeg Cusub Oo Doodda Xadka Ah

Sheeko:Dalka

Maxkamadda cadaaladda adduunka(The International Court of Justice) ayaa ogolaatay in Soomaaliya ay jawaab ka bixiso dacwada ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirta  xadka badda.

Sida muuqata, waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo,  si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal.

Maxkamadda ICJ ayaa isniintii sheegtay in Kenya dalbatay in xadka biyaha labada dal aan la taaban ee uu sidan sii ahaado illaa June 18, kadibna Kenya u baahan tahay 6 bil si ay kiiskan uga jawaabto.

 Qoraal ka soo baxay maxkamadda ICJ, waxaa lagu sheegay in ay go’aankan gaartay kadib markii ay tixgelisay aragtiga labada dal iyo duruufaha ku xeeran kiiskan.

Codsiga Kenya:

February 2, 2018-kii, waxaa uu garsooraha maxkamadda ee Ronny Abraham aqbalay codsiga Kenya ee ahaa in labada dhinac loo furo wareeg cusub oo dood ah, taas oo Nairobi ay sheegtay in ay sidoo kale u baahan tahay waqti badan oo ay isku diyaariso. Tani micnaheedu waxaa uu noqonayaa in labada dal ay maxkamadda horteeda ku galaan wareeg cusub oo dood ah oo la xiriirta xadeynta badda.

Soomaaliya oo dacwaddan gudbisay 2014-kii, waxaa ay ku doodeysaa in xadka hadda jira aanu sax aheyn, xadkan oo ku yaallo dhanka bari ee Kenya, Nairobi waxaa ay qabtaa in haddii la taabto ay xitaa saameyn karto Tanzania.

Halkan Ka Akhriso: Taariikhda Muranka Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoog News