U bood dhigaalka

Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya Oo La Muddeeyey, Akhriso Jadwalka Hadal-jeedinta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Cadaaladda adduunka, war saxaafadeed ay soo saaray waxaa lagu sheegay in sanadkan bisha September dib loo bilaabayo dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka waxaa lagu sheegay  in maxkamadda ay ku dhageysan doonto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya Peace Palace ee magaalada Hague. Soomaaliya ayaa dooneysa  xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta- (370km) ee ka baxsan biyaha Soomaaliya. 

Wareegga 1-aad: Isniinta oo ah 9-ka September 2019,  19-ka, 10: Subaxnimo ilaa 1:00 Duhurnimo iyo 3pm-4:30 Pm , waxaa  la dhageysan doono dalka Soomaaliya, Arbaco: 11 September 2019, 10am-1-da PM iyo 3pm-4:30 Pm waxaa la dhageysan doonnaa Kenya.

Wareegga 2-aad: Khamiis, 12-ka September 2019, 3PM-6PM Soomaaliya, halka Jimco 13 September 2019, 3PM-6PM, la dhageyn-doonnoo dalka Kenya

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (International Court of Justice):

International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan  waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah.

Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Cabdulqawi  Axmed Yusuf.

Goobjoog News