U bood dhigaalka

Dacwadda Badda Soomaaliya Iyo Kenya Oo Berri Ka Furmeysa Huge

Sheeko:Dalka

Maalinta berri ah waxaa magaalada Huge ee dalka Hollan lagu wadaa iney si rasmi ah uga furanto dacwadda la xiriirta dhanka Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa qaadi doonta dacwaddan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay sanadkii hore arrintaa u gudbisay maxkamadda.

Maxkamaddan dhageysideeda waxay socon doontaa muddo 4 maalin ah iyadoo Qareeno Labada dhinac ah ay goobta ku sugan yihiin.

Maalinta berry ah maxkamadda ICJ waxay dhageysan doontaa oo kaliya qareenada u doodaya dowladda Kenya, waxaase goobjoog ahaanaya kuwa u doodaya Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegaysa in ay leedahay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, kadib kheyraad halkaasi laga helay.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana dooneysa in xagga sharciga ay ku kala baxaan dowladda Kenya oo iyadu horay u sheegtay in ay dooneyso in lagu dhameeyo khilaafka dhanka badda ah wada xaajoof Labda dhinac ah.

Dowlada Kenya ayaa kolhore kasoo horjeesatay sharciyadda ah in kiiskan ay qaado maxkamada cadaaladda adduunka.

Paul Riecher iyo qareen reer France  ah ayaa  lataliyeyaal dhanka sharciga u ah Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya.

Halka Kenya ay wadato qareeno u dhashay dalkooda misane u doodi doona.

Goobjoog News