U bood dhigaalka

Dad Badan Oo Ka Barakacay Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa degmada Baardheere ee gobalka Gedo ka soconayay Barakac baahsan oo ay sameynayeen dadka ku dhaqan degmadaasi, ka dib markii ay ka baqeen dagaallo halkaasi ka dhaca.

Wararka ay Goobjoog News ka helayso demadaasi ayaa waxay sheegayaan in dadkii barakacay badi ay aadeen dhanka degmada Saakow, waxaana la arkayaa dad badan oo weli degmada ka barakacaya.

Al-shabaab ayaa banaanka degmada waxa ay dhigeen ciidamo badan oo ka kala yimid qaar ka mid ah meelaha ay ka joogaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo ay sheegeen in ay degmada difaaci doonaan.

Dhanka kale ciidamada is garabsanaya ayaa kusii siqaya degmada Baardheere, waxaana ay ka kala tageen Seddax Jiho.

Shacabka ku haray degmadaasi ayaa ah kuwo hadda ugu daran ee walwalka haya, waxaana sidoo kale jirta diyaarado duqeyn ka geystay duleedka degmada Baardheere.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News