U bood dhigaalka

Dad Badan oo Shuban Biyood Ugu Geeriyoodey Deegaanka Ceel Cadde ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

shuban biyoodIllaa 9 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay xanuunka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen deegaanka Ceel Cadde oo qiyaastii 75 kiilo mitir u jirta magaalada Baladweyne, sida uu kusoo waramayo wariyaheena gobolka Hiiraan Khaalid Ilkacase.

Ciise-Diin Sheekh oo ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan deegaankaasi ayaa Goobjoog u sheegey in illaa 20 qof oo kale ay la ildaranyihiin xanuunkaasi, iyada oo aysan jirin wax la dacaalis ah xagga caafimaadka.

7 ka mid ah dadka geeriyoodey waa carruur, halka kuwa la jiifa xanuunkana ay u badanyihiin carruur.

Deegaanka Ceel Cadde waxa uu ka mid yahay deegaanada Hiiraan ee ciidamada dowladda kala wareegeen Alshabaab, balse aysan wali gaarin adeegyada asaasiga ah, sida caafimaadka iyo gaargaarka.

 

Dhageyso

Goobjoog News