U bood dhigaalka

Dad Daadad Ugu Dhintay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka AWDAL .

Sheeko:Dalka, War

Ugu yaraan 7 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ayaa ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dila ee gobolka Awdal, deegaankani Dila ayaa qiyaastii 37KM uga began Koonfur waqooyi magaalada Boorama ee gobalka Awdal

Daadad ka dhashay roobab da’ayay  saacadihii la soo dhaafay  ayaa waxay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Billa, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah.

Maxamed Xasan Shardi yare oo kamid ah dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in roobabka ka da’ay gobalka Awdal ay sidoo kale ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo muddo sugayay raxmadda Alle.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ayaa xaqiijiyay dhimashada dadkan, waxaana hadda ku sugan deegaanka mas’uuliyiin ka socda Somaliland si ay xaaladda u qiimeeyaan.

Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan.

Goobjoog News