U bood dhigaalka

Wiil Yar Oo Harraad Ugu Dhintay Buuhoodle

Sheeko:Dalka

Sida ay xaqiijinayaan dad ku sugan magaalada Buuhoodle ee waqooyiga Soomaaliya waxaa jirta biyo la’aan baahsan oo wajahday taasoo si weyn u saameysay dadka iyo duunyada.

Abaaraha ka jira gobollada waqooyi oo saameyn saf ballaaran ah u geystay dadka iyo duunyada ayaa wararka laga helayo Buuhoodle waxay sheegayaan inuu hal qof u dhintay.

Qofka dhintay ayaa lagu sheegay inuu ahaa wiil 12 sano jir ah oo geel baadigoobayay kadibna harraad iyo oon u dhintay.  waxaana wiilka uu ku dhintay degaanka Coodanle ee degmada Buuhoodle hoostaga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dadyow kale oo biyo la’aanta baahsan u dhintay kuwaasoo aan laga warqabin.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale Goobjoog News u sheegay in maalmihii dambe gurmayo biyo dhaamin ah loo sameynayay dadka ku nool dhanka galbeed ee Buuhoodle gaar ahaan shalay oo ay u dambeysay.

Xaaladda degaannada qaar gobollada waqooyi ayaa aad u adag dadku waxay isaga hayaameen degaanno badan kumanaan qoysas ah ayaana la daalaadhacaya abaaraha isugu jira biyo la’aanta, raashin la’aanta iyo caafimaad darradaba.

Maamulka Somaliland oo kaashanaya shirkado ganacsi ayaa wada u gurmashada kumanaanka qoys ee abaaruhu ku halakeeyeen gobollada waqooyiga Soomaaliya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada