U bood dhigaalka

Dad Hor Leh Oo Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Oo Soo Gaaray Boosaaso

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari soo gaaray dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, kuwaasi oo kasoo amba baxay dekadda Mukalla.

Dadkaan ayaa tiro ahaan aad uga yar kuwii horay usoo gaaray magaalada Boosaaso, waxaana ay tiradoodu gaaraysaa 70 ruux oo u badan Haween iyo Caruur.

Cabdullaahi Xaashi Qoobdooro oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaalad ahaan ay aad u wanaagsan tahay dadkani, laguna soo dhaweeyay xerooyin loogu tala galay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in xerada soo dhaweynta qaxootiga Yemen ay kusii sugnaayeen 170 qof oo Soomaali iyo Yemeniyiin isugu jira.

“Dadkii yimid waan soo dhaweynay, Haween io Caruur ayeey u badan yihiin, waxaana dadkaan ay ku biireen kuwo kale oo xerada soo dhaweynta ku jiray, kuwaa oo Soomaali iyo Yemen isugu jira” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Tan iyo markii dagaallada ay ka billawdeen dalka Yemen, waxaa magaalada Boosaaso soo gaaray muwaadiniin Soomaaliyeed iyo qaxooti Yemen ah, waxaana tiro ahaan ay ku dhaw yihiin dadka dalka yimid 20-kun oo ruux.

Goobjoog News