U bood dhigaalka

Dad Hor Leh oo Laga Helay Caabuqa Coronavirus Gudaha Deegaannada Soomaaliland

Sheeko:Dalka

Soomaaliland ayaa maanta oo ah sabti ah 30-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1193 qof.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay  in cudurka COVID-19 laga helay 29 qof,  iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 5 bukaan,  halka 48-dii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux oo dumar ahaa u geeriyooday caabuqan.

Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 33 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 19  ruux.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 286 kiis.

No photo description available.

Goobjoog News