U bood dhigaalka

Dad Isku Qoys Ah oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dil xalay kooxa hubaysan ay magaalada Muqdisho ugu gaysteen laba qof oo isku qoys ah.

Dilka oo ka dhacay degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dambeeyay kooxa ku hubaysan biskoolado.

Xuseen Cabaas iyo Cabdi Cismaan Cali, oo isku qoys ah ayaa lagu dilay xaafad ka tirsan degmada dharkiinley ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dilka qoyskaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira muran dhul, balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay.

Goobjoog News