U bood dhigaalka

Dad Ka Badan 10 Oo u Dhintay Abaaro Ka Jira Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya gobalada ay Abaarta ku dhufutay ee Somaliland, taasi oo saameyn ku yeelatay dad iyo duunyo intaba.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Somaliland, gaar ahaan gobalada maamulkaasi sameeyay ee kala ah Aw-dal, Gabilley iyo Maroodi Jeex ayaa waxay sheegayaan in meel halis ay gaartay xaaladda nolosha dadka halkaasi ku sugan, ka dib saameyntii ugu darneyd ee abaartu ku reebtay.

Hay’addo samafal oo ku sugan Somaliland, islamarkaana ku bahoobay Hal dallad ayaa waxay soo saareen warbixin dheer oo ay kaga hadlayaan xaaladda iminka jirta iyo halka ay marayso.

Waxay sheegeen in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen gobaladaasi, ka dib markii ay waayeen wax ay cunaan, sidoo kalena ay intaasi u dheer tahay dadka xaalad nafaqo darri ah.

Hay’adahaan qeylo dhaanta muujinayay ayaa tiraduudu gaaraysaa 19, waxaana ay sheegeen in hadda dadka u baahan in loo gurmado ay tiraduudu tahay 240,000 oo qof.

Abaartaan ayaa ka dhalatay roob yari, taasi oo keentay in ay hoos u dhacaan wax soosaarkii dhanka beeraha, sidoo kalena la waayo biyo la cabo.

War-saxaafadeedka ay hay’adahani soo saareen waxaa kaloo lagu xusay in dadka ugu daran ee hadda liita ay yihiin Haween iyo Caruur.

Hay’adda Badbaadada Caruurta Save The Children ayaa sheegtay in caruur da’doodo ay ka yar tahay 5-sano ay yihiin kuwo la’il daran Nafaqo darri aad u baahsan, lagana baqayo in xaaladaan ay kasii darto.

Maamulka Somaliland ayaa isku dayay in uu dadkaasi ka caawiyo xaaladda ay ku sugan yihiin, hase ahaatee waa ay suurta geli waysay ka dib markii ay awoodi waayeen in dadkaasi ay kaalmo raashiin, biyo iyo mid caafimaad intaba ay siiyaan.

Waxa ay ugu baaqeen hay’adaha samafalka iyo sidoo kale dalalka bixiya deeqaha caalamiga ah in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaan, hadii lasii eegtana ay xaaladdu ka dari doonto halka ay maanta joogto.

Goobjoog News