U bood dhigaalka

Dad Ka Badbaaday Diyaarad La Qaraxday Ciyaartoy Braziliyaan ah

Sheeko:Caalamka

Diyaarad  ay saarnaayeen ilaa 81 qof oo u badnaa ciyaartoy u dhashay dalkaai Barzil ayaa ku qaraxday maagaalada Medellin ee dalka Colombia.

Sida warar ay sheegayaan ilaa 6 qof ayaa ka badbaaday halka la sheegao in  25 qof ay dhinteen, inta badan dadka saarnaa waa la baadi goobayaa.

Diyaaradda waxaa ay ka timid dalka Bolivia, waxaa saarnaa ciyaartoyda Chapecoense, waxaa lagu wadey in ay ciyaaraan final-ka kooba Copa Sudamericana halkaas oo ay wejihi lahaayeen Atletico Nacional.

Kooxda Chapecoense, waxaa la aasaasay 1973-dii, heerka koobaad waxaa ay markii ugu horeeyay timid 2014-kii.

Goobjoog News