U bood dhigaalka

Dad Ka Cabanaya Garsoorka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayey caqabadaha ka jira garsoorka Koofur Galbeed gaar ahaan maxkamadaha Sh/hoose ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxgaradka ka soo qeyb-galay kulanka ayaa waxa ay goobta ka sheegeen in aysan jirin wax maxkamad ah oo ka shaqeysa Sh/ hoose, balse ay xafiisyo ay ka sameysteen Muqdisho.

Waxgaradka deegaanka ceelsha biyaha ayaa sheegay in maxkamadaha ay fuliyaan xukunno aysan waxba ka ogeyn isla markaasna aysan u kala garqaadin dadka isku haya dacwadaha.

Mid ka mid ah waxgaradka oo la hadlay Goobjoog News ayaa yiri “In aan maxkamado aan gobolka deganeyn oo laleeyahay gobolka Banaadir ayey deganyihiin sumaddoodana ay tahay in ay ka tirsan-yihiin koofur Galbeed gaar ahaan gobolka sh/ hoose arintaasan waan diidnay”.

qof kale oo ka mid ah wax-garadka oo isna hadlay waxa uu yiri “Wixii deegaanka diiday annaga waan diidnay, maxkamadda koofur galbeed oo lagu soo sameeyay Baydhabo oo loo sooraray gobolka Banaadir dhulka deegaanka lafoole waxba kama fulin karto cabasho ayaan ka qabnaa waana uga digeynaa arrintaas”.

Dhanacyadii ka qeyb-galay kulanka looga hadlayey garsoorka koofur Galbeed ayaa ka dalbaday madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo kan maamulka Koofur galbeed  in ay soo faro galiyaan caqabadaha ka jira hannaanka dacwadaha loo maro dhulalka la isku heysto.

Goobjoog News