U bood dhigaalka

Dad Kasoo Barakacay Abaaraha K/galbeed Oo Soo Gaarey Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddiga dib u dejinta barakacayaasha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ay soo gaareen qoysas badan oo kasoo barakacay abaaraha dalka ka jira.

Guddoomiyaha guddigan Shariif Aadan Boorow oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in 5-tii maalin ee ugu dambeysay ay deegaankaasi soo gaareen Boqolaal ruux oo abaaraha kasoo barakacay.

Dadkan ayuu sheegay in xaaladooda ay aad u liidato, ayna ka baqayaan in halka ay dadkaan soo gaareen uu ka dilaaco cudurka shuban biyoodka.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay in aanu jirin wax loo qabtay dadkaan oo badi ka yimid gobollada Baay iyo Shabellaha Hoose.

“Dadkaan waxay gaarayaan Boqolaal ruux, abaarta Baay iyo Shabellaha Hoose ayeey kasoo barakaceen, waxay u baahan yihiin gurmad, annaga weli wax aan siinney maleh, Kuleyl badan baa jira, waxaan ka baqeynaa in cudurka shuban biyoodka uu halkaasi ka dilaaco” ayuu yiri guddoomiyaha.

Gobollo badan oo dalka ah waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatauy dadka iyo duunyada, waxaana jira deegaannada qaar oo abaarta ugu dhinteen dad iyo duunyo.

Goobjoog News