U bood dhigaalka

Dad Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Oo Soo Gaaray Barbara

Sheeko:Dalka

Markab siday dad isugu jira Soomaali iyo Yemen ayaa soo gaaray dekadda magaalada Berbera, kaasi oo dadka kasoo badbaadiyay dagaallada ka socda Yemen.

Markabkaan oo soo xirtay gelinkiii dambe ee shalay ayaa lagu soo waramayaa in ay saarnaayeen dad gaaraya 1,101 (Kun Boqol iyo Kow) qof, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay Berbera.

Maamulka magaalada Barbara oo saxaafadda kula hadlay dekadda magaaladaasi ayaa sheegay in dadkaan dhammaantood ay wada caafimaad qabaan, islamarkaana la geeyay meel loogu tala galay in dadka lagu soo dhaweeyo.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka socotay Somaliland oo iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Barbara in ay ka qeybqaataan sidii ay dadkaan soo cararay u caawin lahaayeen.

Dadka u dhashay Yemen ee gaaray Barbara waxaa iyaga si gaar ah loo dejianayaa xerooyin qaxooti oo loogu tala galay si xaaladooda loola socdo.

Tan iyo markii dalka Yemen ay ka bilawdeen dagaallada, waxaa dalka soo gaarayay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed iyo qaxooti reer Yemen ah.

Goobjoog News