U bood dhigaalka

Dad Kasoo Laabtay Dalka Kenya Oo Xalad Adag Ku Hayso Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Dhawaan waxaa jiray qaxooti Soomaaliyeed oo iskood uga soo laabtay dalka Kenya, kuwaas oo soo gaaray meelo ka mid ah dalka sida gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Dadkaasi qaarkood ayaa gaaray deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubada Hoose, waxaana lasoo sheegayaa in dadkaasi ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Gudoomiyaha deegaanka Kulbiyow  Maxamed Muxummad Ismaaciil oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dadkii dhawaan ka yimid Kenya aysan haysan nolol wanaagsan ama nolol u dhaw sidii ay horay ugu noolaayeen.

Waxa uu sheegay in dowlad ama maamul gaar ah oo dadkaasi wax u taray uusan jirin, islamarkaana dadka ay yihiin kuwo aad u dhiban.

“Dadka waxaa wax isugu daray dadka meesha degan oo qaeraabo nimo ahaan ugu gurmaday mooyee, ma jirto cid kale oo wax u tartay, dadku wey dhiban yihiin, wadooyinka qaarna roobkii ayaa jaray” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ugu dambeyn gudoomiyaha deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubada Hoose ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax haysata in gurmad degdeg ah u fidiyaan dadkaasi dhiban ee walaalahooda ah.

Goobjoog News