U bood dhigaalka

Dad Ku Dhaawacmay Dagaal Ka Dhacay Qoryooley Oo Lasoo Gaarsiiyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah dad ku dhawacmay dagaal habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, una dhaxeeyay AMISOM iyo Al-shabaab ayaa maanta lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Nabadoon Cali Xuseen oo kamid ah dadka ku dhaqan degmada Qoryooley oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho loo soo qaadey 4 qof oo kamid ah dadkii xalay dhaawacmay, kuwaasi oo wax looga qaban waayey degmada Qoryooley.

“Dadka dhaawacmay waxay gaarayaan 9 ruux, waxaan keennay Farmashiye laakiinse 4 qof xaaladooda baa aad u daran oo waxaa loo qaadey magaalada Muqdisho” ayuu yiri Nabadoon Cali.

Dadka dhaawacmay ayaa ku jirey Masjid ku yaalla degmada Qoryooley, waxaana halkaasi ugu galay Madfac la sheegay inuu kamid ahaa madaafiicda ay Labada dhinac is weydaarsanayeen.

Al-shabaab ayaa marar badan sidaan oo kale waxay weerar ugu qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana degmadaasi ku sugan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News