U bood dhigaalka

Dad ku dhaawacmay madaafiic xalay lagu tuuray xaafado ka tirsan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay shan ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay madaafiic xalay lagu tuuray xaafado ka tirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Waxaa la sheegay in xaafadaha degmada ay ku soo dhaceen dhowr madaafiic ah kuwaasi oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira caruur ku sugnaa halka madaafiicdu ay ku dhacday.

Goobaha caafimaadka ayaa la gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay madaafiicda lagu garaacay xaafadaha degmada Xamar Jajab.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale Hoobiye lagu tuuray xaafada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir inkasta oo aysan arintan wax war ah ka soo saarin hey’adaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.