U bood dhigaalka

Dad ku dhaqan degmada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya oo dacwad ku furay shirkad shidaal oo Canada laga leeyahay

Sheeko:Dalka

Koox dad ah oo matalaya mid ka mid ah beelaha dega degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gal dacwadeed ka furtey maxkamad ku taala degmadaasi, iyaga oo doonaya in shirkad laga leeyahay dalka Canada laga joojiyo hawlo shidaal baaris ah oo ay ka wado degmadaasi.

Sida ku xusan warbixin uu faafiyey wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasii baxa, dadkani ayaa ku doodaya in shirkadani ay baabi’ineyso dhulkii ay xoolaha daaqsan jireen iyo meelihii ay dagi jireen, waxayna sheegeen in qaab noqoleedkooda reer miyinimo uu halis ku jiro.

Shirkada dacwadda lagu furey ayaa waxaa lagu magacaabaa Taipan Resources, waxayna ceel shidaal ka sahmineysaa deegaanka Badada ee degmada Wajeer oo ay beeshani degto.

Axmed Xeefoow iyo Muumin Axmed oo ku saxiixan dacwadda ayaa sheegey in shirkadda aysan inaba talogalinin bulshada halkaasi degen, islamarkaasina ay samaysay waxyaabo badan oo dayacaad ah, sida saliid dhulka lagu qubey oo dhirtii waxyeelo gaarsiisey.

Maxwell Birely oo ah madaxda shirkada shidaalka baaraysa ayaa beeniyey in wax waxyeelo ah ay geysteen, wuxuuna tilmaamay in ay waraaqo ogolaansho iyo diiwaangalin ah ka heystaan dowladda dhexe iyo tan deegaanka Wajeer.

Xigasho : Warkani waxaan kasoo turjuney wargeyska Daily Nation

Goobjoog News