U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Dagaal La Xiriira Ceel-Biyood

Sheeko:Dalka

Saddex qof ayaa ku dhaawacantay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dacdheer gelinkii dambe sabtidii, Dacdheer waxaa uu ka mid yahay deegaannada mar walbo ka dhacaan dagaallada sokeeye.

Maleeshiyaad ayaa la sheegayaa in ay ku dagaallameen Ceel Biyood halkaas ku yaallay, dadka dhaawaca ah waxaa ay isugu jireen kooxihii dagaallamayey iyo dadka deegaanka Dacdheer.

Odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa la sheegayaa in haatan wadaan waan-waan lagu dhex-dhexaadiyo kooxaha dagaalay.

Dagaallada la xiriira dhul-daaqsimeedka ee u dhaxeeya kooxaha reer Guuraaga ah ayaa ku soo badanaya dalka.

Goobjoog News