U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Qaraxyo ka Dhacay Syria

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 120 kalana way ku dhaawacmeen labo qarax oo  ka dhacay meel ay ku cibaadeystaan dadka shiicada ah oo ku taallo koofurta caasimadda Syria ee Dimishqa.

Weerarkaan cidna ma sheegan mas’uuliyaddiisa, balse ururka Daacish ayaa sidaan oo kale horay uga fuliyay weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah dadka shiicada ah eek u nool Syria.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay xabad joojinta waddanka Syria bishii December ee sanadkii tagay meelo badan oo ka tirsan Syria waxaa ka dhacayay weeraro kala duwan oo ay geesanayeen  Ururka Daacish.

Dadka ku dhintay qaraxyadaa ayaa waxaa ku jira muwaadiniin u dhalatay waddanka Ciraaq, Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq oo lagu magacaabo Axmed Jamaal ayaa waxa uu sheegay in weerarkaan uu ahaa mid argagixiso .

Qeybo badan oo ka tirsan waddanka Syria waxaa gacanta ku haya kooxaha ka soo horjeeda dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Bishaar Al-asad.

Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay waddanka Syria inay gaarayaan 300 oo  kun oo qof ayna ka barakaceen guryahooda dad gaaraya 11 malyan oo kale tan iyo markii uu bilowday kacdoonkii  looga soo horjeeday  dowladda Madaxweyne Bishaar Al-asad sanadkii 2011 kii.