U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintey Duqeymo Ka Dhacay Syria

Sheeko:Dalka

Duqeymo uu Ruushka ka geystay  magaalada Idlib ee waddanka Syria ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 20 qof sidoo kalane waxaa ku dhaawacantay tiro kale.

Mas’uul  ka hadlay duqeymaha uu Ruushaka ka geestay magaalada Idlib ayaa waxa uu sheegay in diyaaradaha Ruushka ay duqeyn baahsan ka geesteen magaalada Ariixa iyo magaalooyin kale oo ay ka mid tahy Idlib taasi oo keentay inay dhintaan 20 qof.

Duqeymahaan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli ay ciidamada Syria ay horumar ka sameynayaan furimaha dagaalka ee magaalooyin Al-baaba iyo Xalab ee waqooyiga Syria.

Duqeymaha ay geystaan diyaaradaha dagaalka ee waddanka Ruushka kuwaas oo xukuumadda madaxweyne Bishaar Al-asad taageero siiya ayaa duqeymah ay geestaan waxay waxyeello ka soo gaartaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Syria, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay qaadeen ciidamada in ka badan 150 weerar oo dhanka cirka ah.

Goobjoog News