U bood dhigaalka

Dad Ku Geeriyooday Dabeylo Ka Dhacay Xeebaha Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dabeylo maalmahaan laga dareemay xeebaha gobalka Banaadir ayaa waxaa soo baxayo khasaaro ka soo gaaray kaluumaysada Soomaaliyeed ka jilaabta xeebaha gobalka.

Inta la xaqiijiyey ilaa Lix ruux oo Kaluumeysato ah ayaa ku geeriyooday halka Lix kale lagu la’ yahay badda nolol iyo geeri toona, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray agabkii ay isticmaalayeen.

Mid ka mid ah kaluumeysatada gobalka Banaadir oo wareysi siiyey VOA-da ayaa ka warbixyey xaalada ka jira xeebaha gobalka iyo khasaaraha soo gaaray dhalinyada ka jilaabata badda iyo qalabkii ay wateen waxaana uu yiri

“Dhalinyarada 6 ka mid ah meydkooda waa la helay 6-na kale lama haayo doomankii 8 Doomood lama haayo, marka wax hadda badda aada majiraan oo Malaay keydsanaa aya la isticmaala, Malaay in hadda badda la galo oo la soo qabtaa majiro”

Sidoo kale kaluumeysatada gobalka ayaa sheegay in ay adag tahay in xiligaan ay ku dhiiradan galitaanka badda, iyaga oo sabab uga dhigay in aysan jirin Doomo waaweyn oo soo badbaadinaya badalkeeda waxaa ay ku qasban yihin in isha ay ka dawaan Hirarka Badda.

“Waa laga joogaa annaga Dooman kale oo nasoo badbaadimaayo majiraan Doomaheenna waa Balanbaalis waa kuwo yar yar, kuwo waa weyn ayaa xamar weyne ka baxo iyagana waxaa baxa afar xabo” ayuu yir.

Waxaa maalmihii tagay si weyn looga dareemay xeebaha gobalka Banaadir dabeylo xoogan kuwaas oo ay adag tahay doomaha yar yar ay xamilaan waxaana adkaata in lagu kaluumeysto.

Goobjoog News