U bood dhigaalka

Dad Ku Sumoobay Hilib Ay Cuneen Gobalka Gedo Koofurta Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo  gobalka Gedo ee dowlad gobaleedka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dhowr qof ay geeriyoodeen, kadib markii ay  ku waxyeeloobeen Hilib sumeysan oo ay cuneen.

Dadka ku sumeebay Hiibka ayaa ku noolaa miyiga degmada Luuq ee gobalka Gedo, waxaana inta la xaqiijiyey geeriyooday  3 qof halka ku dhawaad 150 ruuxna waxaa  la dhigay isbitaalada oo lagula  tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka  ay ku sumoobeen Hilibka neef Geel ah oo  ay cuneen, waxaana la ogen sababta keentay in hilibka neefka uu noqdo mid sumeysan.

Dhanka  kale dadka geeriyooday ee ku sumoobay hilibka ayaa kala ahaa labo caruur ah iyo haweeney, sidoo kale waxaa isbitaalka degmada la dhigay dad badan oo caafimaadkooda lala tacaalayo.

Ugu dambeyn maamulka degmada Luuq ayaa ku waramay in saacadihii la soo dhaafay Isbitaalka guud ee degmada la dhigay dad badan kuwaas oo iyagane cunay hlibka Sumaysan dhaqaatiirna ayaa baaritaanno wadaan.

Goobjoog News