U bood dhigaalka

Dad Ku Sumoobay Raashiin Ay Cuneen, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxya sheegayaan in halkaasi ay xalay ku sumoobeen ku dhowaad 50 qof, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Xananbuure ee hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolkaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan halkaasi, dadkaan ayaa ka qeybgalayey Alle bari ka jiray halkaasi, waxaana mar qura la arkay dhammaan dadkii halkaasi wax ka cunay oo xaaladooda is bedashay.

Xarumo caafimaad ayaa loola cararay dadkaan, iyadoo dhanka kale ay halkaasi aadeen dhaqaatiir ka baxday degmada Dhuusamareeb si ay xaaladda dadkan wax uga qabtaan.

Goob joogayaal dhacdadan ka badbaaday ayaa sheegay in aan la hubin in dadkaan ay ku sumoobeen raashiinka ama caanaha halkaasi laga cabayey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News