U bood dhigaalka

Dad ku tabaleysan degmada Hodan oo la gaarsiiyay raashin afur ah

Sheeko:War

Dadka tabaalaysan oo ku dhaqan degmada Hodan ayaa maalintii 12-naad ee bisha Barakaysan ee Ramadaan ka faa’iidaystay raashin afurin ah oo ay bixinayso Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta ,oo lagu tala galay dadka aadka dhaqaalahoodu u hooseeyo.

Ruqiyo Xuseen Cabdala Nuur oo kamid ahayd dadkii galabta raashinkan bisil la siiyay kaasi oo loogu tala galay inay ku afuraan dadkan danta yar ee ku dhaqan degmadaasi, ayaa waxay sheegtay inay si weyn uga mahad celiyay kaalmadaan afurka ah ee maalintii lixaad ay ka wado Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta.

Nadiifo Xuseen oo ah horjoogayaasha dadkan la quudinayo ayaa si aad iyo aad ah ugu mahad celisay Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo kaalmoo maalmahan danbe ka wada xeradan Agoonta ee degmada Hodan Laanta Afaraad, waxayna sidoo kale tilmaamtay inay jiraan baahi intaas ka badan oo haysta dadka tabaalaysan ee ku dhaqan degmadaasi,xili lagu jiro bishii barakaysan ee Ramadaan iyadoona ay jiraan roobab lixaadle oo maalmahaan ka Da’aya Caasimada Muqdisho.

Siday u bilaabatay bishan barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa qaybo kamida gobolka Banaadir ka socday gaarsiinta Kaalmooyin iyo gargaar ka imaanaya Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo balan qaaday inay bixin doonaan inta lagu guda jiro bishan Barakaysan Kaalmooyin iskugu jira Cuntooyin ,Dhar iyo Gargaar kale oo ay ugu tala gashay dadka danta yar ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Wararka Goobjoog news