U bood dhigaalka

Dad Laga Qafaashay B/weyne Oo Helay Xorriyaddooda

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dib u heleen xorriyaddooda Afar qof oo shalay laga qafaashay magaalada B/weyne ee xarunta gobolkaasi.

Cabdulle Nuur Guure oo ah xoghayaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in maamulkooda uu ku guuleystay siideynta dadkan.

Sababta dadkan loo qafaashay ayuu sheegay iney la xiriirto Geel laga dhacay dadka wax qafaashay.

Sidoo kale Cabdulle ayaa sheegay in ay wadaan dedaal badan oo ku aadan sidii ay ku xallin lahaayeen xiisaddan islamarkaana Labada dhinac ay wadahadalsiin doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News