U bood dhigaalka

Dad lagu dilay rabshado ka dhacay Boosaaso

Sheeko:Dalka

2 qof ayaa ku dhimatay dibad baxyo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha maamu goboleedka Puntland.

Dadkan ayaa la sheegayaa in ay ka soo horjeedeen siyaasadaha maamulka Puntland, sida uu xaqiijiyay weriyaha Goobjoog News uga soo warama halkaas.

Wararka waxaa ay sheegayaan in labada dhimatay uu ku jiro nin Booliis ah, halka 7 kale ay ku dhaawacmeen isku dhaca oo ka dhacay xarunta Booliika degmada.

15 ka mid ah dibad baxayaashii ayaa la xiray, waxaana la filayaa in dhinacyada kala duwan ay ka hadlaan arrinta maanta dhacaday.