U bood dhigaalka

Dad lagu qabtay howl gallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degmada Cadale

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa faahfaahin ka bixiyay howl gal dad lagu soo qabtay oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ka sameeyeen degmadaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmadaasi oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen rag lala xiriirinayo xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ka soo qabteen gudaha degmadaasi.

Waxa uu intaasi raaciyay in ciidamadu ay hayaan xog sheegeysa in waxyaabaha qarxa lagu aasay xarumaha maamulka degmada iyo saldhiga ciidamada booliska ee degmada isaga oo xusay in ay baaritaan adag ku sameynayaan si looga hor tago qaraxyadaasi.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM ayaa labadii maalmo ee u dambeeyay la wareegay Cadale iyo Raage Ceelle iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah.