U bood dhigaalka

Dad Loo Qabtay Rabshado Ka Dhacay Magaalada Jigjiga

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka magaalada Jigjiga ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro badan oo lagu eedeynayo iney ka dambeeyeen rabshado shalay ka dhacay magaaladaasi.

Banaanbax nabadeed oo markii dambe isku bedalay rabshado ayaa shalay ka dhacay Jigjiga, kadib markii dadku muujinayeen sida ay uga xun yihiin Saddex masjid oo lagu gubay deegaanka Amxaarada Itoobiya.

Hase ahaatee rabshadihii ayaa sababay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca Lix kale, waxaana ciidamadu ay sameeyeen howlgal ay ku qabteen dhallinyaro ka badan 30 qof.

Maxamed  Xasan oo ah taliyaha Booliiska ee magaalada Jigjiga ayaa u sheegay warbaahinta, in baaritaan lagu sameyn doono dhallinyaradan, wixii dambi yeeshana maxkamad lasoo taagayo.

Taliyaha ayaa sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin in la qalqalgeliyo ammaaanka magaalada Jigjiga, cid walba oo isku daydana ay xabsi dhigi doonaan.

Goobjoog News