U bood dhigaalka

Dad Loo Xirey Qarax Ka Dhacay Degmada Buulo-burde, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dad usoo xirey qarax miino oo ka dhacay degmada Buul-burde ee gobolka Hiiraan, kaasi oo uu ku dhintey askari ka tirsan ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Duqa degmadaasi Maxamed Axmed Rooble ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay ku qabteen Labo qof oo la tuhmayaal ah.

Waxa uu tilmaamay Rooble, iney hadda baaris ku hayaan laamaha amniga dadkaan lasoo qabtay, islamarkaana cadaaladda la horgeyn doono.

Sidoo kale, duqa Buulo-burde ayaa sheegay in dadkaan laga soo qabtay halkaasi qaraxa miinada lagula eegtay ciidamada Jabuuti.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News