U bood dhigaalka

Dad Looga Shakiyay Al-shabaab Oo Lagu Xiray Kenya

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dalka Kenya ayaa qabtay Laba qof oo ay sheegeen inay uga shakiyeen in ay ku biiraan Xarakada Al-shabaab.

Labadaan qof ayaa lagu kala magacaabaa Salma iyo Sakariye Omwenga, waxaana la sheegay in ay damacsanaayeen Soomaaliya inay soo aadaan.

Saraakiisha ciidamada ka hortaga argagaxisada ayaa sheegay in Labadaan qof laga qabtay deegaan lagu magacaabo Madogo oo ku dhaw magaalada Gaarisa.

Waxa ay sidoo kale ay sheegeen saraakiishaan in baaritaan lagu hayo Labadaan ruux, laguna soo dhameeyo baaritaankooda muddo 7 maalin ah.

Salma ayaa u dhalatay dalka Kenya, waxaana ay ka mid tahay sida la sheegay ganacsatada dalkaasi.

Goobjoog News