U bood dhigaalka

Dad Shuban Biyood Ugu Geeriyooday Somaliland

Sheeko:Caafimaadka

Laba qof ayaa ugu geeriyooday shuban deegaanka Wajaale ee galbeedka Somaliland,   labadan oo kala ahaa  nin dhallinyaro ah iyo ilmo da’ahaan 10 jir ka  yar ayaa kala geeriyooday labadii maalmood ee la soo dhaafay , waxaana wali hadda xanuunkaasi u jiifa tiro dad  ah oo ku dhaw toban qof .

Wasiir ku xigeenka caafimaadka  ee maamulka Somaliland  Xasan Daahir Dhimbiil  ayaa sheegay in shubaka ka dilaacay deegaankaasi uu halis ugu jiro in tiro kale oo dad ahna uu galaafto “ Wajaale oo ah deegaanka xuduud ah  waxa ka dilaacay shubankaasi labada qof u geeriyoodeen  waxaanu aaminsanahay in cudurku oo ka yimi  dhanka Etniopia  , hada dad badan ayuu hayaa shubanku waxaanu sidoo kale  laga soo sheegayaa deegaano hoos taga Wajaale oo ah dhul baadiye ah “ ayuu yiri Wasiir ku-xigeenku.

Wasiirka ayaa sheegay inay  qorshaynayaa in  meelaha biyo fariisiga ah  inay daweeyaan  si  aanu u sii faafin cuduruku , waxaanu intaasi ku daray inay jiro xaalad caafimad darro deegaano kala duwna oo ka tirsan Somaliland .

Dhinaca kale deegaan magaalada Burco 8 KM dhanka koonfureed kaga beegan  waxa  geeriyooday Hooyo iyo gabar yar oo ay dhashay taasi oo wasaarada caafimaadka Somaliland ku tilmaantay inay  nafaqa darro ka dhalatay abaaraha  ay sababsatay .

Goobjoog News