U bood dhigaalka

Dad U Geeriyooda Shuban Biyood Ka Dillaacay Degmada Yeed ee Gobolka Bakool

Sheeko:Dalka

Cabdullaahi Saalax Xuseen oo ka tirsan maamulka degmada Yeed ayaa goobjoog uga warramay in shubanbiyood ka dillaacay deegaanka ay u geeriyoodeen saddex ruux oo ka tirsan deegaanka.

Cabdullaahi ayaa ugu horreyn ka hadlay in shuban biyoodku uu si weyn ugu sii fidayo guud ahaan gobolka Bakool:

“Shuban biyoodka aad iyo aad ayuu gobolka Bakool uga dhacay, sida ay waraku nagu soo gaaray deegaannada kuwa nabad-diidka ah ka taliyaan, hadana degmada aan ku suganahay ee Yeed ayuu ka bilowday, waxaan kula jirtaan Jihaad, shuban biyoodkana waxaa keenaya kuleylka iyo biyaha oo yaraaday ayaa saldhig u ah, hadadan aan kula hadlayo dabeylo aad u waaweyn ayaa ka dhacaya, waxaas ayaana sababa in hawlahani ay sidaa isku bedelaan, degamada hadda waxaa usoo gurmatay hay’adda NCF ayaa u soo gurmatay oo daawooyinkii looga hortagi lahaa iyo kuwii lagu daaweyn lahaa iyo biyo dhaamisba u sameysay”.

Waxa uu noosheegay in meesha ay dadku si weyn ugu dhamaanayaan ay tahay Buurdhuxunle, deegaanno kalena ay jiraan, iyadoo Yeed ay u dhinteen shubanka saddex ruux:

“Meesha dadku ay ku dhaameed waa Buurdhuxunle oo ay al-Shabaabku ay heystaan, halkan Xudur waa laga sheegayay, dhulka oo dhan, Ceelbarde waa ka jiraa shubanku, halkan hadda aan joogo ee Yeed 3 ruux baa u dhimatay, halgan adag baa lagula jiraa,hadday noqon lahayd maamulka iyo haddii aan noqon lahay hay’adda NcF”.

Si kastaba, gobolka Bakool ayaa guud ahaan waxaa ka dillaacay cudurka shuban biyoodka ah oo la sheegayo iney sabab u tahay biyo yaraan gobolka ka jirta iyo cimilada oo xilliyadan oo kale kulayl ah dhamaan gobollada Soomaaliya.

Goobjoog News