U bood dhigaalka

Dad Uu Soo Ritay Cudurka Shuban-biyoodka Oo La Gaarsiiyey Isbitaalka Banaadir

Sheeko:Dalka

Waxaa sii kordhaya bukaannada uu soo ridanayo xanuunka shuban-biyoodka, kuwaasi oo laga kala keenayo gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle.

Bukaanno aad u tiro badan ayaa la keenay Isbitaalka Banaadir, kuwaas oo tiradoodu ay kor u dhaafeyso ilaa iyo 40 bukaan.

Dr Maxamed Siyaad ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda ay jiifaan Isbitaalka dad uu soo ritay xanuunka shuban-biyoodka waxa uu intaas ku daray in ay hadda gaarayaan dadka la jiifa cudurkan 9 qof.

“Cudurkan marba heerar ayuu tagaa mar waa uu kacaa, hadda waxaa laga dareemayaa in uu kacayo, Kiisaska waxa ay ka yimaadaan gobollada dalka.”

Maamulka Isbitaalka Banaadir ayaa sheegay in hadda ay Isbitaalka ka jirto xaalad adag oo dhanka shaqada ah, ka dib markii hay’adihii Isbitaalka caawin jiray ay shaqada joojiyeen.

Goobjoog News