U bood dhigaalka

Dadaallo Looga Hortagayo Fatahaadda Wabiga Shabelle Oo Ka Socda Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dadaallada looga hortagayo fatahaadda wabiga Shabeelle ee gobalka Shabeellaha Dhexe  ayaa todobaadyadii la soo dhaafay illaa iminka ka soconaya degaanno ku yaalla duleedka magaalada Jowhar.

Maamulka degaanka Beexaaw oo maanta u warramay Goobjoog News wuxuu sheegay in howshan socota ee ah ka hortagga fatahaadaha iyo u gurmashada dadka rayidka ah ay soo gabegebeyn doonaan muddo toban maalin ah ku siman.

Guddoomiyaha degaanka Beexaaw Xaamud Axmed ayaa sheegay ay wadaan dadaallada fatahaadda looga hortagayo islamarkaana ay diyaariyeen jawaanno carro ah oo wabiga inuu soo fataho looga hortagayo.

“Waxaa socda dadaallo fatahaadda wabiga looga hortagayo iyo u gurmashada qoysaska degaanka ku nool waxaana howlahan naga gacansiinayo hay’ad maxalli ah” ayuu yiri Guddoomiyaha degaankaasi.

Waxa uu ugu baaqay in dowladda, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka ahi inay gurmad beni’aadanimo la gaaraan dadka shacabka ah ee ku nool degaanka Beexaaw ee gobalka Shabeellaha Dhexe oo la daalaa-dhacaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Degaanka Beexaaw ayaa ku yaalla jihada dhanka Koonfur bari ee magaalada Jowhar waxaana sidoo kale jira degaanno kale oo iyana ay fatahaadaha wabiga Shabeelle horay u saameeyeen sida tuulada Sabuun oo Jowhar uga beegan waqooyi galbeed iyo Tuugaareey oo dhanka Bari ee magaalada ku taalla.

Goobjoog News