U bood dhigaalka

Dadaalo Waan-waan oo laga dhex bilaabay beelo ku dagaalamay Xarardheere

Sheeko:Dalka

dagaalo beeleedyo miyigaWarar laga helayo degmada Xarardheere ayaa sheegaya in waan-waantan ay ka billaabatay degmadaasi, taasi oo lagu qaboojinayo dagaalo maleeshiyo beeleedyo ku dhexmaray dhulka miyiga ah.

Waan-waantan waxaa iska kaashanay waxgaradka deegaanka kuwaasoo ku howlan sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabadeynta deegaanada ay isku hayaan labada beelood.

Maleeshiyaadka ku dagaalamaya degmada Xarardheere ayaa dirirtooda ay timid kadib markii uu soo kala dhex-galay muran xagga dhulka ah.

Dad ka badan 20 qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday halkii lagu dagaalamay iyadoo kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa cambaareeyey dagaalka dhacay, waxayna ku baaqeen in la joojiyo dhiigga halkaasi ku daadanaya.

Iyada oo aad u yaraadeen dagaalada beelaha ee salka ku haya dhulka daaqsinta iyo ilaha biyaha, ayaa laakiin wali aysan dhamaanin, waxaana sanad kasta dhaca dagaalo kuwan oo kala ah meelo kala duwan dalka, iyada oo ay ku dhintaan dad badan.

Dhageyso

Goobjoog News