U bood dhigaalka

Dadka Aragga La’a Oo Aad U Isticmaala Baraha Bulshada

Waa wax aan cidna rumeysan karin in qof aragg la’  uu isticmaalo baraha bulshada casriga ah ee Internet-ka,  balse waqtiyadii dambe ayay aad u soo badanayeen  iyagoo baraha bulshada u isticmaalayo si aad ah..

Waxa keliya ee suurto galiyay isticamaalka Facebook-ga iyo aaladaha kale oo ay bulshadu ku xiriirto ayaa ah telefoonnada casriga ah kuwaas oo loo yaqaanno Ismart phoneka, balse dadkaan aragga la’ ayaa ah kuwa aan wada awoodin inay iibsadaan telefoonnada Ismaartiga ah.

Dalmar Maalin waxa uu ka mid yahay dadka la’ aragga waxa uu muddo labo sano ah uu isticmaalayaa aaladda Facebook-ga waxa kaliya uu ka dhaxlay ayaa ah in uu helay saxiibo badan kuwaas oo ku kala nool dalka iyo dibaddaba.

Waxyaabaha Dalmar uu ka dhaxlay isticmaalka Facebook-ga ayaa ah inuu isku madadaaliyo xilliyada uu firaaqada yahay ama uu nasanayo, waxaa u sahlan inuu qof uu ku darsado lana hadlo sidoo kale waxa uu si wanaagsan u diri karaa sawirrda iyo muuqaallada la iskugu diro Facebook-ga.

Caqabadaha Dalmar uu kala kulmay isticmaalka aaladda Facebook-ga ayaa ah inay ku adkaatay isticmaalka Facebook-ga markii uu bilaabayay balse markii dambe waxa uu la qabsaday jawiga aaladda.

“Qofka aragga la’a  wuu isticamaali karaa baraha bulshada, sababtoo ah waxa uu la mid yahay qofka caadiga ah, maanta waan horumarnay waxaan isticmaalnaa qalabo kala duwan Tiknoloojiyadda”.

Cali Aadan waxa uu ka mid yahay dadka aragga la’ waxa uu Goobjoog News u sheegay in faa’idooyin badan uu ku qabo isticmaalka Facebook-ga oo ay ka midyihiin inuu kala xiriiro Qoyskiisa, Eheladiisa iyo  Asxaabtiisa.

Rajo kama uusan qabin Cali inuu isticmaalo baraha bulshada, laakiin tani waxay rajo badan ay ku abuurtay dad badan aragga la’ kuwaas oo hadda baraha bulshada u isticamaala sida dadka caadiga ah.

Ugu dambeyn waxa uu ku talinayaa Cali Aadan in dadka aragga la’ ay bartaan sida loo isticmaalo baraha bulshada si ay uga maarmaan caawimaadda ay dadka kale weydiistaan.

“ In dadka bartay luqadda ingiriiska aysan fahmeyn codka taleefoonkeenna, waa xirfad ay isku gudbiyaan dadka indhoolayaasha ah”.

Cali iyo dadka la midka ah ee aragga la’ in kastoo ay noloshooda ay liidato hadana kama aysan rajo dhigin inay la jaan qaadaan Tiknoloojiyadda carsiga ah

W/D: Maxamuud Ali Haaji