U bood dhigaalka

Dadka deegaanka Busaar oo laga soo sheegayo xaalad bani-adanimo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xaalado dhanka nolasha ah ay taagan yihiin deegaanno hoos yimaada goblkaasi.

Deegaanka Buusaar oo kamid ah gobalka Gedo ayaa lagu soo warramayaa in dadka iyo duunyada ay u geeriyoonayaan biyo iyo cunno la’aan.

Iftiin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in kastoo qeylo dhaan ay direen hadana  weli majiro wax gurmad ah oo dadka Buuzaar ay heleen. isagoo ku baaqay in gurmad beni’aadanimo loo sameeyo shacabka ku dhaqan deegaankaasi.

Gobolka Gedo iyo guud ahaanba gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa kajirta abaar xoogan, taas oo ilaa iyo hadda ay u geeriyoodeen dad iyo Duunyo.