U bood dhigaalka

Dadka Dhaawacyada Halista Ah Kasoo Gaaray Weerarkii SYL Oo Dibadda Loo Qaadayo

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Hotelka SYL islamarkaana dalka aan wax looga qaban karin loo qaadi doono caafimaad dibadda ah.

Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Xaaji Cabdi Nuur oo booqday Isbitaalka Madiina oo la geeyay dadkii ugu badnaa ee qaraxaasi ku dhaawacmay ayaa mid mid u kormeeray dhammaan dadka shacabka ah ee dhaawac ahaanta loo geeyay isbitaaalkaasi.

Waxa uu sheegay wasiirka in dadka ku dhaawacmay weerarkaan islamarkaana xaaladooda halista ay tahay in dibadda lagu soo daweyn doono.

“Wasaaradda caafimaadka waxay diyaar u tahay in dadka qaba dhaawacyada daran ee dalka gudahiisa waxbo looga qaban karin in aan u qaadno caafimaad dibadda ah hadii ay ahaan lahayd dalalka deriska ah iyo sidoo kale wadamada kale ee aynu saaxiibada nahay” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii SYL, isaga oo sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid aad looga xumaado.

Gaari sida walxaha qarax ayaa shalay isku qarxiyey bannaanka hotelka SYL, waxaana qaraxaasi uu saameeyay shacab badan oo halkaasi ku sugnaa.

Goobjoog News