U bood dhigaalka

Dadka Galmudug oo gar-gaar deg-deg ah u baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in Gurmad dag dag lala soo gaaro dadka ku nool Gobolka Mudug oo ay sheegeen inay saameyn balaaran ku yeesheen abaaraha ka jira deegaanada Mudug iyo guud ahaan Gobolada dalka.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Mudug Aweys Cali Siciid oo la hadlay Goob-joog FM ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid aad u liidata isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in gurmad dag dag ah lala soo gaaro dadka ku dhaqan gobolka.

Gudoomiyaha ayaa xusay in dadka ku nool tuulooyin dhowr ah oo ka mid ah Gobolkaasi ay xoolo badan uga dhamaadeen abaaraha taasina ay keentay in dadku ay isugu yimaadaan deegaano ku dhow dhow Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo uu sheegay in xaaladoodu ay tahay mid aad u liidata isaga oo ku baaqay in loo soo gurmado.

Xaalad adag ayaa kajirta dhamaan gobollada bartamaha iyo konfurta Soomaliya, taas oo u baahan in gacan deg deg ah la gaarsiiyo. Bishii hore xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhwaaqday in dalku ay kajitro abaar ba’an.