U bood dhigaalka

Dadka Garoowe Oo Ka Cabanaya Cashuuro Dowladda Hoose Ku Soo Rogtay

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Garoowe ayaa walaac ka muujiyay canshuur dheeraad ah oo uu ku soo rogay maamulka magaaladaasi.

Ganacsatada oo la hadashay Goobjoog News waxay sheegeen in aaney bixin karin lacagaha dheeraadka ah oo ka maamul ahaan laga dalbanayo iyagoo ka codsday maamulka degmada Garoowe ee dowladda hoose  in ay arrintaasi wax ka bedasho, Dadkan ayaa u badan dad xoogsato ah oo aan heli Karin wax ka badan nolol maalmeedka.

Waxay qaarkood ganacsatadaasi xoogsatada ah u sheegeen Goobjoog  in canshuurta dowladda hoose ee Garoowe ay qaaddo aanan waxba loogu qaban sida nadaafadda oo kale iyo adeegyada kale ee loogu talagalay in loo
adeegsado canshuurta.

Waxaa jira dhibaatooyin badan oo ay sheeganayaan qaar ka mida ganacsatada  yar yar oo ku nool magaalada Garoowe ku waas oo inta badan uusan ganacsigooda dhaafin nolol maalmeedka wax ka badan  caqabadaha soo food saaray .

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed  oo xoogsato ah ayaa maamulka Puntiland gaar ahaan dowladda hoose waxay ku soo rogtahy lago canshuur kor dhin ah kuwaas oo markii hore laga qaadi jiray lacag dhan $200 ah  waxaana lagu kordhiyey lacag gaareyso  600 dollar.

Goobjoog News