Sanadkii labaad ayaa waxaa la qorsheynayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto bishani Nofeembar 26-deeda, waxaana la shaaciyey dad kala duwan oo hadalo ka jeedin doona.
TEDx oo ah madal caalami ah oo lagu faafiyo aragtiyada mudan in la dhagaysto ee dadka wax kusoo kordhinaya ayaa waxaa haatan la doonayaa in lagu dhiirogaliyo dadka waxtarka leh ee Soomaaliyeed ee waxyaabaha la taaban karo kusoo kordhiyey dalka.
Dadka ka hadlaya shirka
- Dr. Deeqo Maxamed
- Cabdiraxmaan Ceynte
- Iimaan Iikar
- Gloria Mugarura
- Xildhibaan Maxamed Kulalihi
- Sahra Qorane
- Sadiiq Cadaawe
- Qadar Maxamed
- Abla Cilmi
- Dalmar Guure
- Axmed Maxamed Xaaji
- Cabdulfataax Aadan
Dadkani dhamaantood mihnado iyo hawlo kala duwan ka haya Muqdisho, waxayna la yimaadeen fikrado cusub oo shaqeeyey.
Goobjoog News