U bood dhigaalka

Dadka Ku Nool Degmada Dangoronyo Ee Gobolka Nugaal Oo Codsaday Gargaar

Sheeko:Dalka

Degaanno ka tirsan gobolka Nugaal ee waqooyi bari Soomaaliya ayaa laga soo sheegayo inay ka jiraan abaaro baahsan kuwaasoo saameyay dadka iyo duunyadaba.

Meelaha ugu daran ayaa lagu soo warramayaa inay kamid yihiin degaanno hoostaga degmada Dangoronyo ee gobolka Nugaal ayaa waxaa ka jira biyo la’aan iyo gaajo.

Waxgaradka ku nool degmada Dangoronyo iyo tuulooyuinka hoostaga ayaa Goobjoog News u sheegay ina baaraha ka jira halkaas iska daa in xoolaha ay u dhintaane laga baqin qabo in dadka ay harraad u dhintaan.

“Degaannadani dadka ku nool ma heystaan nolal wanaagsan mana heli karaan dadka biyo iyo raashin waxaana hadda laga cabsanayaa waxa weeye in dadku uu harraad u dhinto” ayay yiraahdeen qaar kamid ah odayaasha degaanka.

Degaannada bari iyo kuwa waqooyi ee Soomaaliya waxaa ka jira abaaro xooggan oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan.

Meelo kamid ah gobollada Bari iyo Nugaal ayaa lagu soo warramayaa inay jiraan xoolo u dhimanaya abaaraha kuwaasoo muddo aan helin wax biyo ah.

Dadka ayaa xilligani ay ku adag tahay inay helaan biyo ay cabaan waxayna taas keeni kartaa in dadka qaar ay u dhintaan harraad.

Odayaasha degaanka ayaa ugu dambeyn dowladda iyo umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay gargaar degdeg ah la soo gaaraan dadka ku dhaqan degaannada hoostaga degmada Dangoronyo ee gobolka Nugaal.

Goobjoog News