U bood dhigaalka

Dadka ku Nool Degmada Waajid Oo DFS Ka Dalbaday In Ay U Furto Waddooyinka

Sheeko:Dalka

Dadka ku nool degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa ka cabanaya xirnaashaha waddooyinka soo gala degmada iyaga oo tilmaamay in ay arrintaani saameyn weyn ay ku yeelatay noloshooda.

Degmada Waajid ee gobolka Bakool ma jirto wado u furan waxayna noloasha dadka ay ku tiirsantahy waxyaabaha lagu geeyo diyaaraha Xamuulka, waxayna diyaaradaha tagaan Waajid bishii labo jeer.

Sidoo kale dadka ayaa si dhuumaaleysi ah u adeegsada Gaari dameerada kuwaas oo mararka qaar geeya degmada waxyaabaha ay dadka u baahanyihiin.

Dadka ku nool Waajid ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay ka dalbadeen in ay u furto waddooyinka soo gala degmada gaar ahaa wadada xiriirisa Waajid iyo Baydhabo.

Alshabaab ayaa horay u go’doomiyay degamada Waajid ee gobolka Bakool waxayna ka xireen dhammaan waddooyinka soo gala, waxayna go’doonkan ay ku jirtaa degmada muddo sanado ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada