U bood dhigaalka

Dadka Magaalada Buulo Burde oo Xoolo Nool Ku Bixinaya Dhismaha Garoonka Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dadka ku dhaqan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegey in ay gashay rajo iyo yididiilo wanaagsan kadib markii halkaasi uu ka biloowdey dhismaha garoon dayuuradeed xili magaalada ay ku jirtey go’doominta Alshabaab.

Dadka degmada ayaa siyaabo kala duwan oga qeyb qaadanaya dhismaha garoonka, waxaana ka mid ah in qaarkood ay bixiyeen xoolo nool si garoonka uu u shaqo galo, dadka qaarkood ayaa muruqooda ku bixinaya oo ka qeybqaadanaya hawsha, halka kuwa kale ay biyo dhaamin iyo waliba lacago bixin kaga qeybqaadanayaan garoonka.

Sida uu Goobjoog u sheegey duqa magaalada Buula Burde Cusmaan Geedi Cilmi, garoonka kaliya ma ahaan doono mid anfaca dadka degmada ee wuxuu noqon doonaa mid anfaca gobolada dhexe oo dhan, iskuna xira goboladaasi iyo dalka intiisa kale.

Wuxuu sheegey in markii hore ay magaalada ku ooli jireen labo garoon oo macmal ah oo kaga kala yiiley Galbeedka iyo Bariga, balse ay shaqo ugu dambeysey sanadkii 1997-dii.

Duqa magaalada ayaa sheegey in hey’ada Mercy ay gacan ka geysatay hawlaha dhismaha garoonka , balse shacabku yihiin kuwa aanan u kala harin, islamarkaasina shaqada inteeda badan wada.

Garoonka hadda la dhisayo waxa uu magaalada u jiraa 5km ah, dhir aad u badan ayaa laga jaray, dhulka ayaa la simay, waxaana loo xariiqayaa dhamaan calaamadihii uu garoon lahaa.

Ciidamada nabad illaalinta midoowga Afrika ee AMISOM ayaa kormeer ku sameeyey garoonka, islamarkaasina ansixiyey. AMISOM ayaa noqon doonta kuwa ugu badan ee ka faa’iideysan doonaa maadaamaa ay halkaasi ka helayaan saanada ciidan.

Guddoomiyaha dhalinyarada Buulo Burde Axmed Rooble ayaa wariyaha Goobjoog ee Hiiraan Wariye Cabdirisaaq Maxamed Cabdullaahi Al-Cadaala u sheegey in garoonka uu yahay halbeegga horumarka adduunka, marka uu garoon yimaadana horumar la helayo.

Laakiin Cabdicasiis Duuroow Cabdi guddoomiyaha degmada Buulo Burde ayaa sheegey in uusan waxbo kala soconin mashruuca garoonka, islamarkaasina aanan lagu wargalinin, wuxuu sheegey in marka garoon la samaynayo ay wasaarado badan ku shaqo leeyihiin sida wasaaradda duulista hawada sare, tahayna in loo meel dayo halka garoonka laga samaynayo.

Wuxuu sheegey in meesha laga samaynayo garoonka ay tahay meel ciidan, islamarkaasina aysan amaankeeda sugi karin.

Laakiin duqa magaalada Buulo Burde ayaa hadalkaasi dafirey, sheegeyna in garoonka uu yahay mid maamulka iyo shacabkaba ay ka warqabaan, kana qeybqaadanayaan.

Wasaaradda Duulista hawada sare ayaa dhawaan sheegtey in ay dayac tireyso garoomo badan oo dalka ku yaala si horumarka dalka uu u noqdo mid xawli ku socda.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News